Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Subscribe
    • Front
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xildhibaanadii Kutlada “Badbaado Qaran” oo qarka u saaran inay kala tagaan (WARBIXIN XASAASI AH)
    Baarlamaanka

    Xildhibaanadii Kutlada “Badbaado Qaran” oo qarka u saaran inay kala tagaan (WARBIXIN XASAASI AH)

    WebmasterBy WebmasterFebruary 1, 2015Updated:February 1, 2015No Comments3 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kutlada Xildhibaabada la baxay “Badbaado Qaran” oo ahaa isbaheysigii ugu horeeyay ee xildhibaanada Baarlamanka oo sameysmay kadib khilaafkii siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa qarka u saaran inuu muxaafid noqdo ama kala lumo kadib markii ay saameyn weyni ku yeelatay xaalada isbedelka ee ku yimid xukuumada 20-ka wasiir ee la magacaabay 27-kii Janaayo 2015.

    XiIldhibaanadan oo tiradooda la isku haleyn karo ay gaareyso 80 xildhibaan, waxay ku dhismeen diidmada siyaasadii kooxeysiga ku dhisneyd ee madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna ujeedkooda ugu weyni ahaa inay ka hortagaan in awoodda dalka gacanta u gasho koox qura, inkastoo aanay meesha ka marneyn damac siyaasadeed iyo rabitaan shaqsiyeed.

    kutladaBQ

    Kadib magacaabidii 20-ka wasiir ee aan xildhibaanada ahayn waxaa soo baxay tiro xildhibaanno ah oo ka tirsan Kutladan oo u ololeynaya taageerada xukuumadda CumarC/rashiid ee 20-ka wasiir laga magacaabay, waxayna ku doodayeen arrimo ay ka mid yihiin;

    1. In afartii xubnood ee ay diideen in wasiirada lagu soo daro meesha ka baxeen.
    2. In kooxdii madaxweynaha ku xeerneyd siyaasadii la ciirtay oo iyagii mucaarad noqdeen
    3. Haddii xukuumadan ay diidaan inay soo noqon karto tii hore ee dib loola noqday

    Ka sokow  arrimahan loo qaateenka ah waxay kaloo ku hoos jiray xildhibaanada aragtidan la yimid inay u badan yihiin kooxda “Aala Sheekh” oo xubno wasiiro ah oo miisaan leh ka heshay 20-ka wasiir ee danbe, qaarkoodna madaxda Kutlada lagu eedeeyay inay taageerayan wasiiro ay qaraabo yihiin oo saameyn ku yeeshay.

    Inkastoo Kutlada dhexdeeda looga awood batay kooxdani, haddana waxaa soo muuqatay in mustqbalka kutlada soo dhammaan rabo marka lagu daro xildhibaannada kale ee rajada ka leh inay ka mid noqdaan xukuumadda laga sugayo inuu soo dhameystiro Cumar C/rashiid.

    [ad name=”HTML-2″]

    Kooxda labaad ee Kutlada qarka u saartay inay muxaafid isu bedesho waa xildhibaannada doonaya inay ka mid noqdaan Golaha wasiirada hadda lasoo dhameystirayo oo saameyn weyn ku leh siyaasadda lagu hagayo Kutlada Badbaado Qaran, waana markii ugu horeysay ee la arko xubno waaweyn oo u janjeera dhinaca taageerada.

    Xildhibaannada hormuudka ah ee Isbaheysigan sida guddoomiyahooda Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow ayaa lasoo weriyay inuu hadda ka mid yahay la-taliyeyaasha madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha sidii xukuumadda dhismaheedu socdo loo marsiin lahaa Baarlamaanka. Sidoo kale xubno kale oo ay ka mid yihiin Prof. Cusmaan Jurille, Prof. Gaandi, Bashiir Caddow, C/qaadir Cali Cumar iyo kuwo kale ayaa mowqifkoodu yahay mid taageeraya xukuumada cusub arrimo kala duwan dartood.

    Xubno kale  oo aan iyagu fursad uga muuqan golaha wasiirada cusub ayaa weli ku dhegan inay kutladu ku sii socoto siyaasadeedii diidmada ahayd, waxaana xubnahani dadaalkoodu yahay mid gaabis ah, iyadoo kala qeybsanka arrintani ay ka dhex muuqatay codkii baarlamaanku shalay u qaaday in 10 maalmood oo dheeraad ah la siiyo Ra’iisal wasaaraha si loo dhameystiro xukuumadda oo xildhibaanada Kutlada aysan meel isku sheegin intoodii badneyd ay taageertay codsiga CCC.

    Kutladan oo xoogeedu ku dhisnaa xildhibaanada Dir iyo Daarood ayaa u muuqata inuu gabagabo yahay ujeedkii loo aasaasay, waxaase laga yaabaa inay saaxiibtinamadoodu kasoo bilaabatay taageerida C/weli Sheekh Axmed ay sii socoto iyadoo aan mustaqbalka la isku hubin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mutaxnaanshihiisa siyaasadeed oo ay dhici karto inuu mar kale dib u mideeyo Kutladan kala tagga ku dhow.

     

    Goobjooge.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    Badbaado Qaran Kutlada Xukuumad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Webmaster
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Goobjooge.com: An Online News portal, tracks all news round the clock which will cover Politics, entertainment, sports and world news.Waxaad nagala soo xiriir kartaa: info@goobjooge.com

    Related Posts

    Xildhibaannada Labada Aqal oo Ansixiyay Guddiga Doorashada Qaran iyo Buuq hareeyay

    November 27, 2024

    Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

    October 9, 2024

    XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

    September 29, 2024

    Comments are closed.

    © 2025 Wadani.com .
    • Home-1
    • About Goobjooge
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo