Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulan gaara oo loga hadlayey codsi ka yimid Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Madaxweyne Qoorqoor oo uu ka dhammaaday waqtigii uu kusoo dhisi lahaa Golaha Wasiirada oo ahaa muddo bil ah, wuxuuna Baarlamaanka ka dalbaday inuu siiyo muddo kale oo Bil ah, iyadoo codkii loo qaaday lagu ansixiyey codsiga Madaxweynaha Galmudug.
Codsiga Madaxweynaha Galmudug waxaa Baarlamaanka ka hor akhriyay Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, waxayna xildhibaannada Galmudug ku ogolaadeen in mudo Bil ah loogu daro Madaxweynaha, iyadoo laga sugayo inuu Golaha Wasiirada Galmudug kusoo dhiso ka hor 30 March 2020-ka.