Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xalay ka qeyb galay xafladii caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa khudbadiisii ku sheegay inuu ballan qaadayo inuu la shaqeyn doono dowlad Goboleedyada, isagoo dalbaday is-cafin.
Waxa uu ballanqaaday madaxweyne Farmaajo in si buuxda uu ula shaqeyn doono dowlad goboleedyada, islamarkaana uu noqon doono oday Soomaaliyeed, sida uu yiri maadaama uu u dhaxeeyo dhinacyada dowladda, wuxuuna intaas ku daray inuu dhex geli doono khilaafka labada aqal ee Baarlamaanka ka dhex jira.
“Anigu waxaan leeyahay, in laga noqdo xalay dhalay wax walbo oo lasoo maray, anaa ugu horreeya oo waxaan leeyahay waan idin cafiyey, idinkana aad i cafisaan, waxaan ballanqaadayaa inaan idinla shaqeeyo haddii aad tihiin dowlad goboleedyo iyo hadaad tihiin baarlamaanka dhexdiisa, maadaama aan ahay odaygii u dhaxeeyey… Baarlamaanka aniga ayaa dhexgalaya oo howlahooda xalinaya, laakiin mid ogaada mucaarad waa loo baahan yahay, midka loo baahan yahay waxay tahay marka ay xaaladda kulushahay in mucaaradkaasi aanay dowlado shisheeye la jirin, waa iga ballan inaan wada shaqeynno..” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxtooyada Soomaliya oo saaka War-saxaafadeed qoraal ah kasoo saartay arrintan ayaa guud ahaan meesha ka saartay is-cafinta iyo balanqaadka madaxweynaha oo qodobadda ugu muhiimsan ee kasoo yeeray madaxweynaha.