Dawladda Kenya ayaa Bandow kusoo rogtay magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya kadib weerarro is-dabajoog ah oo dhacay bishan gudaheeda.
Weerarkii ugu dambeeyey oo dhacay maalintii Talaada ayaa maleeshiyada Al-Shabab waxay ku dileen 12 qof kadib weerar ay ku qaadeen hoteel ay ku sugnaayeen dad rayid ah.
Weerar kaasi ka duwan oo dhacay 6-dii bishan Oktoobarna Al-Shabab waxay ku dishay lix qof oo kale.
Kenya ayaa sheegtay in bandowgan uu shaqayn doono tan iyo 27-ka bisha Disembar, waxayna sheegtay in loo qaaday amniga magaalada iyo rayidka dartood.
Dhinaca kale booliska Kenya yaa xiray maamulihii hotelka Bishaaro ee weerarku ka dhacay Abdirahman Cali oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa weerarka.
Ninkan 21 samo jir ah ayaa maanta la soo taagay maxkamadda Mandhere iyadoo lagu soo oogay denbi ah inuu gacan diiyay fal dembiyeed argagixiso, waxaana hay’adaha ammaanka la siiyay 10 maalmood oo dheeraad ah si loo dhameystiro baaritaanka ku socda.
Wadani.com