Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Bankiga Adduunka oo Abaaraha dartood Lacag toos ah siinaysa Nus Milyan Qof oo Soomali ah

    Bankiga Adduunka oo Abaaraha dartood Lacag toos ah siinaysa Nus Milyan Qof oo Soomali ah

    June 23, 2022Updated:June 24, 20224 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    World Bank Launched Somali Poverty Profile
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay $143 milyan oo doollar oo loogu talagalay Kaalmada Horumarinta Caalamiga ah (International Development Assistance -IDA) si loogu caawiyo dadka nugul ee Soomaaliyeed si ay uga gudbaan xaaladaha abaarta iyo cunno yarida sii kordhaysa ee guud ahaan dalka.

    Taageerada la siinayo Soomaaliya ayaa ah Qorshaha (Shock Responsive Safety Net for Human Capital Project (SNHCP), oo sidoo kale loo yaqaan Baxnaano Soomaali ahaan, ayaa siin doonta xoojin dheeraad ah wax ka qabashada abaaraha dalka waxayna hubin doontaa sii socoshada badbaadada joogtada ah.

    Deeqdan ayaa gargaar lacageed oo aad loogu baahan yahay lagu siin doonaa qoysaska noloshoodu hooseyso iyo kuwa nugul. Waa qoysaska ay si weyn u saameeyay abaaro joogto ah iyo Daadad, COVID-19, iyo xaalado kale.

    “Xaaladdu waa mid murugo leh, Bankiga Adduunkana wuxuu sameynayaa wax walba oo lagu badbaadin karo dadka gu nugul xilligan oo baahi weyn loo qabo,” ayay tiri Kristina Svensson, maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya. “Waxaan ka faa’ideysaneynaa iskaashiga aan la leenahay hay’adaha bani’aadamnimada si loo yareeyo xaaladda ka hor inta aan waayiin nolol badan,” ayay sii raacisay.

    Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay yeelato barnaamijka badbaadada bulshada ee dalka oo dhan kaas oo si degdeg ah loo hawlgelin karo si loo badbaadiyo nolosha dadka. Bangiga Adduunka ayaa taageero dheeraad ah siiya qorshahan ay dowladdu hormuudka ka noqon doono.

    “Aad bay u dhiirigelinaysaa in la arko in barnaamijka Baxnaano uu awood u leeyahay inuu si degdeg ah ula qabsado wax ka qabashada dhibaatada. Horaantii bishii June, xawaaladaha lacageed ee degdega ah ayaa la gaarsiiyey in ka badan 243,000 qoys oo dalka oo dhan iyada oo loo marayo barnaamijka,” ayuu yiri Afrah Alawi Al-Ahmadi, oo ah Khabiir Sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka.

    Iyadoo loo marayo Baxnaano ayuu Bankiga Adduunka wuxuu taageeri doonaa ku dhawaad ​​500,000 Qoys si ay uga hortagaan abaaraha socda. Tirada dadka ku tiirsan gargaarka bini’aadantinimo iyo ilaalinta ayaa la saadaalinayaa inay kor u kacdo 7.7 milyan oo qof sanadka 2022, iyadoo lagu qiyaaso 3 milyan oo qof oo gudaha ku barokacay iyo ku dhawaad ​​70% dadku ay ku nool yihiin meel ka hoosaysa heerka faqriga caalamiga ah.

    Intaa waxaa dheer, Bangiga Adduunka wuxuu sii kordhiyey taageerada uu siiyo wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya isagoo u maraya mashaariicda soo socda:

    Mashruuca Soo kabashada Qalalaasaha Soomaaliya (SCRP) ayaa horgeyn doona $28.5 milyan oo dheeri ah oo loogu talagalay gargaarka abaaraha ee lagu beegsanayo dhulka miyiga ah ee Soomaaliya oo dhan.

    Mashruuca u adkeysiga Magaalooyinka Soomaaliya Wajiga II (SURP-II) wuxuu hawlgelin doonaa $20 milyan oo ah Qayb ka-hortagga Xaaladda Degdegga ah dhammaadka Juun 2022 si loogu taageero magaalooyinka muhiimka ah, sida Muqdisho, Baydhabo iyo Garoowe, oo ay ku soo qulqulayaan barakacayaal badan.

    Mashruuca wax-soo-saarka iyo adkaysiga biyaha beeralayda-xoolodhaqatada iyo deegaanka loo yaqaan Biyoole ayaa bulshada beeralayda xoola dhaqatada ah ee ku dhaqan dhulka engegan ee ay abaaruhu ka jiraan ee Soomaaliya gaadhsiinaya adeegyo biyo iyo beero oo horumarsan si ay u wanaajiyaan wax soo saarkooda iyo u adkaysiga dhibaatooyinka ka dhasha cimiladu. Mashruucu wuu socdaa, markii calaamadihii ugu horreeyay ee abaartu ay soo shaacbaxday dabayaaqadii 2021, mashruucu wuxuu go’aansaday in si degdeg ah loo dayactiro ceelasha riigagga ah si loo helo biyo degdeg ah in ka badan 41,300 ka-faa’iideystayaal iyo 130,000 oo xoolo ah.

    Dadaalka wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya ee muddada dheer ayaa sidoo kale ka faa’iidaysan doona Baanka Adduunka ee dhawaan la ansixiyay ee uu taageeray Horn of Africa Groundwater for Resilience Program (GW4R) kaas oo lagu qiyaasay in ay gaaraan 3.3 milyan oo ka faa’iideystayaal toos ah, kuwaas oo ugu yaraan 50% ay yihiin haween, iyada oo loo marayo waxqabadyo loogu talagalay kordhinta helitaanka biyaha iyo yaraynta u nuglaanshaha saamaynta isbeddelka cimilada.

    Abaaraha Bankiga Adduunka Deeq Top World Bank
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirada Jubbaland oo Ansixiyey degmooyin lagu kordhiyey Gobollada Gedo iyo J/Hoose
    Next Article Madaxweynaha Imaaraadka oo Amray in Soomaalida toos loo siiyo Dal-ku-galka UAE

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo