Waxaa salaadii Jimcaha kadib magaalada Muqdisho ka dhacay bannaanbax looga horjeedo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku dhawaaqay in magaalada Qudus ay tahay caasimadda Yuhuudda.
Dadweyne isugu soo baxay ayaa ku dhawaaqayay ereyo lid ku ah madaxweynaha Mareykanka oo ay ku difaacayaan magaalada Qudus ee barakeysan oo ka mida magaalooyinka Islaamka ee reer Falastiin.
Dadka ayaa isu soo baxay markii ay tukadeen Saladii jimcaha, waxaana khudbooyinka Jimcaha lagu soo qaaday magaalada Qudus iyo taariikhda ay ku leedahay islaamka iyadoo dadka loogu baaqay inay difaacaan Qudus.
Magaalooyin badan oo caalamka islaamka ayaa maanta waxaa ka dhacay bannaanbaxyo waaweyn oo looga horjeedo hadalkii madaxweynaha Mareykanka ee magaalada Qudus uu ku sheegay inay tahay caasimadda Yuhuudda.