Waxaa hadda magaalada Muqdisho ka socda bannaanbax ay dhigayaan waalidiinta ay wiilashooda ku maqan yihiin dalka Eritrea oo tababar ciidan loogu qaaday, lana waayey.
Waalidiintan oo u badan Hooyooyin ayaa cabashadooda oo muddo taagneyd hadda kusoo bandhigaya bannaanbax ka socda Daljirka Dahsoon oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, waxayna madaxda dowladda ugu baaqayaan inay dib u soo celiyaan caruurtooda.
Bannaanbaxa oo weli socda ayey waalidiint ay caruurtoodu ku maqan tahay dalka Eritrea ka dalbadeen madaxweynaha xilku ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu hor yimaado oo ka qanciyo cabashadooda, una soo celiyo caruurtoodii.
Dowladda Federaalka iyo madaxdeeda ayaa muddo dheer ka aamusnaa cabashada waalidiinta wiilashooda loo qortay askarta ee tababarka loo geeyay dalka Eritrea, waxaana arrintan ay ka mid tahay dhibaatooyinka soo jiitamayey ee laga dhaxlay nidaamka Farmaajo.
Askartan ayaa qaarkood maqan 2 sano ku dhowaad, halka qaar kale ay maqan yihiin sanad, waxaana mararka qaar ay lasoo hadlaan Waalidintooda, laakiin waxaa sii kordhaha walaaca waalidiintaasi oo waqtigii ku dheeraaday.
