Banaanbax looga soo horjeedo ciidamada AMISOM iyo falalka dilka ah ee ciidamadaasi u geystaan dadka rayidka ah ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho. Dibad-baxa waxaa ka weyb galay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah iyo Boqolaal ruux oo shacab ah oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, waana kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Muqdisho ka dhaca.
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo ka hadlay banaanbaxa ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin dadka sida macno darada ah ee askarta AMISOM u dilaan dadka rayidka ah oo shilal kala duwan ku laayeen dad aan waxba galabsan.
Xildhibaanadu waxay sheegeen in si degdeg ah Baarlamaanka loo geyn doono mooshin ku saasban dhibaatada ciidmada AMISOM u geystaan dadka Rayidka ah, waxaana ugu danbeeyay Wiil 14 Sano jir ah oo askari ka tirsam AMISOM ay ku dileen agagaarla Garoonka K/Cagta ee Stadium Muqdisho.
Xisbiga Daljir oo ka mida kooxaha siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa soo qabanqaabiyay banaanbaxa oo ah mid ku cusub Muqdisho
Wadani.com
[ad name=”HTML”]