Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in bannaanbax looga horjeedo dowladda Somalia, laguna dalbanayo sii deynta Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi nuur (Janan) oo u xiran dowladda Somalia uu ka socdo degmooyinka Luuq iyo Doolow.
Dadweyne lasoo abaabulay ayaa ka qeyb galaya Banaanbaxa, iygoo wata boorar ay ku qoran yihiin halku-dhigyo ay dowladda Federaalka uga dalbadeen inay shuruud la’aan ku sii deyso Wasiir C/rashiid Janan, waxayna sidoo kale ku dhawaaqayeen ereyo looga horjeedo madaxda dowladda Soomaaliya.
Waxaa ay ka dalbadeen Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya inay tixgeliso codsigooda,isla markaana ay xurriyadiisa siiso Wasiirka, iyaga ku tilmaamay xarigaas in uu yahay mid sharci-darro ah.
Maamullada degmooyinka Luuq iyo Doolow ayaa la sheegay inuu soo qabanqaabiyey bannaanbax, iyadoo halkaasi uu taageerayaal badan ku leeyahay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) oo dowladda Somalia ay ka qabatay Garoonka Muqdisho, isagoo kusii jeeda dalka Itoobiya.
Bannanabaxyaasha ayaa sidoo kale dowladda Somalia ka dalbaday inay xayiraadda ka qaado garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.



