Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in bannaanbax rabshado wata oo looga horjeedo wasiiro ka tirsan maamulka Jubbaland uu ka dhacay magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Dadweynaha Garbahaarey iyo saraakiil ka tirsan ciidamada milateriga ayaa ka hor yimid wasiirada uu soo dirsaday Axmed Madoobe oo la sheegay inay hordhac u yihiin Axmed Madoobe oo doonaya inuu booqdo magaaladaasi iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Gobolka Gedo.
Wasiiradan waxaa hoggaaminaya wasiirka Qorsheynta Jubbaland Aden Aw-hersi oo shalay gaaray magaalada Garbahaarey ayaa lagala hor yimid banaanbax looga soo horjeedo, waxayna wararku sheegayaan in laba wasiir oo ka tirsan wafdiga Jubbaland ay banaanbaxayaa shacab ay weerareen.
Ilaalada wasiirada ku sugan Garbahaarey ayaa la sheegay inay rasaas fureen si ay u kala eryaan dadka bannaanbaxa wada oo qaarkood ay gacanta ula tageen wasiirada ka socda maamulka Jubbaland.