Bannaanbax looga soo horjeedo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ee ka howlgla Gobolka Sh/hoose ayaa ka dhacay Muqdisho.
Dadweynihii ugu badnaa ee diidan AMISOM ayaa isugu yimid fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxaana hoggaaminayey ehelada dad shacab ah oo ciidmada AMISOM ay ku dileen magaalada Golweyn ee gobolka Shabeella Hoose.
AMISOM ayaa diiday qirashada dilka dadkan shacabka ahaa, hase ahaatee waxay sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso dhacdan, iyadoo markii hore sheegtay inay dileen xubno argagixiso ah.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa qirtay dilka ay geysteen ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya, laakiin saraakiisha AMISOM ee Muqdisho ayaa weli diidan inay inay qirtaan falkaasi si loo aaso meydadka ku jira qaboojiyaha Isbitaalka Digfeer.
Dada bannaanbaxa ka qeyb galay ayaa sheegay inay AMISOM baratay inay dadka iska leyso, kadibna aan loo qabsan, waxayna ugu baaqeen dowlada federaalka inay soo faragellso arrintan.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay dilka dadkan rayidka ah ayaa sheegay in askartaas sharciga la horkeeni doono, isagoo dhinaca kale xusay inay la xaajoonayaan ehelada dadkii la dilay.
