Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Beel soo saartay qorshe maamul goboleedyo loogu sameynayo Hiiran, Sh/dhexe & Muqdisho (Xaqiiqada Bayaanka)

    Beel soo saartay qorshe maamul goboleedyo loogu sameynayo Hiiran, Sh/dhexe & Muqdisho (Xaqiiqada Bayaanka)

    April 25, 20154 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Beel ka mid beelaha Muqdisho ayaa sheegtay in kulamo u socday muddo dhowr bilood ah waxgaradka, siyaasiyiinta, madax dhaqameedka, dhalinyarada, haweenka iyo dhammaan qeybaha bulshada beeshani oo ah dadka deegaanka Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir  ayaa soo saaray bayaan talo bixin ah oo ku saabsan arrimaha maamul goboleedka iyo maqaamka caaasimadda Muqdisho.

    Wax lagu sheegay Guddi fulin oo Beesha Wacbuudhan Abgaal leedahay ayaa qoraalka bayaankani ku qornaa iyadoo aanay jirin cid ku saxiixan, balse mowqifka warqadda ku qoran ayaa u muuqda inuu leeyahay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo dhowaan warqad uu u qoray ergeyga Q/Midoobay uga horjeestay qorshah ah in la isku daro gobolka Banadir iyo gobolada kale.

    maxamud cali ugas

    Qodobada Bayaankan waxaa ka mida:-

     

    [ad name=”HTML-1″]

     

    1. In Maamul Goboleedyada harsan si deg-deg ah looga howlgalo iyadoo Dowladda Federaalka ay door hoggaamineed ku yeelaneyso, iyadoo tixgelineyso rabitaanka dadka deegaanka, lana waafajinayo dastuurka KMG ah;
    1. Beesha Wacbuudhan waxey ku talineysaa in bulshada deegaanka ee Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ay si deg-deg ah uga howl galaan sameynta Maamul Goboleedka Shabelle State iyadoo ay dadka deegaanka ka wada qeybgalayaan, oo si caddaalad ku dheehantahayna u qeybsanayaan awoodda iyo dhaqaalaha deegaanka;
    1. In Gobolka Banaadir uu noqdo Maamul Goboleed (Banaadir State) iskiis u taagan oo la mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira si dadka deegaanka ay u helaan xaquuqda dadka gobollada kale ee dalka, bacdamaa Gobolka Banaadir uu ka mid yahay 18ka Gobol ee dalka; isla markaana  Qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ku nool Gobolka Banaadir ay ka qaataan kaalintooda kaga aadan Maaamul Gobooleedyada.
    1. In maqaamka Muqdisho ee caasimadda dalkana ay dadka deegaanka ka soo talo bixiyaan ka hor inta aan loo gudbinin hay’adaha Dowladda sida Golaha Wasiirada ama Baarlamaanka.
    1. Si looga fogaado tuhun, kala shaki, iyo tafaraaruq bulshada deegaanka dhexdeeda ah waa in awood qeybsiga Maamul Goboleedka Sh/Dhexe iyo Hiiraan (Shabelle State) lagu saleeyo degmooyin oo degmo walba ay soo xulato dadkii uga qeybgali lahaa ergeda iyadoo lala tashanayo madax dhaqameedka deegaanka iyo dowladda Federaalka. Tanoo keeni karta in degmo walba ay si caddaalad ah u soo xulaan ergooyinka, ka dibna xubnaha xildhibaanada ay ka yimaadaan degmo walba oo aysan marnaba dhicin in si isku duub duub ah oo heer qabiil ah korka looga qeybsado. Taladu waa inay ka timaadaa xaga hoose oo heer tuulo, ka dibna heer degmo, ka dibna heer gobol.
    1. Si loo helo sharciyad iyo matalaad rasmi ah waa in dhammaan beelaha dega deegaanka ay sameystaan guddi u matali kara masiirka beesha oo ay siyaasiyiinta, waxgaradka, madax dhaqameedka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay soo sameysteen si ay u sahlanaato awood qeybsiga iyo si loo helo sharciyadii ama matalaadii dadka deegaanka oo rasmi ah.
    1. Waxaan ka codsaneynaa Dowladda Federaalka inay si deg-deg ah ugu dhawaaqaan in la furo gogosha dib u heshiisiinta iyo ka tashiga dhismaha Maamul Goboleedka Shabeelaha Dhexe & Hiiraan (Shabelle State) si loo illaaliyo sharciyada dalka iyo rabitaanka bulshada deegaanka.
    1. In shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan lagu bilaabo degmada Balcad ugu danbeyn 10ka May 2015, isla markaasna looga tashado goobihii kale ee shirweynaha maamul u sameynta lagu qaban lahaa;
    1. In Shirweynaha maamul u sameynta Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan uu qabsoomo ugu danbeyn 30ka May 2015.
    1. In Madax dhaqameedyada deegaanka oo heerarkooda kala duwan yahay ay bilaabaan xulitaanka ergooyinka labada gobol ugu danbeyn 15ka June 2015;
    1. In ergo ka kooban 400 la soo xulo ugu danbeyn 30ka June 2015 iyadoo madax dhaqameedka, iyo guddiyada waxgaradka beelaha isla soo xulayaan.
    1. In ergada ay ansixiyaan dastuurka Maamul Goboleedka ugu danbeyn 10ka July 2015.
    1. In xildhibaanada Maamul Goboleedka oo ka kooban 66 la soo xulo ugu danbeyn 20ka July 2015.
    1. In xildhibaanada ay doortaan Guddoonka Baarlamaanka ugu danbeyn 25ka July 2015.
    1. In xildhibaanada ay doortaan Madaxweyne iyo ku xigeenada ugu danbeyn 30ka July 2015.
    1. In xafladda caleema saarka Madaxda la qabto ugu danbeyn 5ta August 2015.

    Lama oga sida qodobo noocan oo kale ah beel u soo saari karto, laakiin waxa muuqata in siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed kooban oo is qarinaya ay magaca beeshani ku soo saarayaan arrimo ay guryaha ku soo qorteen.

    [ad name=”HTML-6″]

    [ad name=”HTML-1″]

     

    Banaadir Hiiraan Sh/dhexe Ugaas Maxamuud Cali Wacbuudhan
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticlePresident of the UN General Assembly held talks with Somalia’s foreign affairs minister
    Next Article FASHIL: Xilka Taliyaha Booliska oo muddo 6 bilood u xayiran madaxweyne Xasan Sheekh (Faaqidaad)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo