Beesha caalamka ayaa si weyn u cambaareysay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Jowhar oo lagu doortay wasiir hore looga reebay Doorashada.
Q/Midoobaym Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay aad uga xun yihiin in la iska indha tiro go’aankii Guddiga Doorashada uu uga reebay wasiirkia dhalinyaarada iyo isboortiga Maxamed C/llaahi Xasan.
Qoraalka kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in doorashadaasi ay ka horjeedo xeerka iyo sharciga doorashada, waxayna taageertay go’aanka Guddiga Doorashada.
“Doorashada Jowhar ka dhacday waa mid waxyeelo leh, haddii aan ogolaano natiijadan iyo khaladaadka kale ee ka dhacay doorashada, waxay noqoneysaa in sharcinimada nidaamka doorashada ay burburto” ayuu qoraalka ku yiri Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating.
Wadani.com