Beesha Caalamka oo dadaal ugu jirta xal loo helo khilaafka ka taagan fulinta heshiiskii Doorashada ayaa qaab cusub u bedeshay wadahadalladii xal u helidda arrimaha Doorashada.
Dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada ayaa lagu qanciyey inay Guddiyo u dirsadaan shir hordhac ah oo la filayo inuu ka furmo magaalada Baydhaba, kaasoo looga doodayo qodobadda la isku hayo ee Doorashada, soona diyaarinaya soo-jeedin kala duwan oo xal loogu heli karo, kadibna tallooyinkaasi loo gudbinayo Madaxda Dowladda iyo kuwa dowlad Goboleeyada.
Arrintan oo Q/Midoobay ay fududueyneyso ayaa sidoo kale la sheegay inay kaalin ku leedahay fulinta iyo heshiisiinta Madaxda Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo shirkoodii Dhusamareeb 4 ku kala tegay, markii ay ku heshiin waayeen.
Shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hadda meesha ka baxay, iyadoo qeyb ahaan ay shaqadaasi la wareegay Beesha Caalamka.
