Wakiilada Beesha caalamka ayaa soo farageliyey khilaafka ka taagan afarta kursi ee ay dib u celiyeen Guddiga Doorashda Heer federaal ee FIET oo ay go’aamiyeen in lagu celiyo Doorashadooda.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa kulan la yeeshay xubno ka tiran Guddiga FEIT oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga FEIT Muuse Geelle, iyadoo lagala hadlay xal u helidda kuraastaasi.
Qoraal kasoo baxya Xafiiska UNSOM ayaa lagu yiri; “Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Federaalka (FEIT), Muuse Geelle iyo xubno kale oo ka tirsan Isla guddiga, si ay warbixin uga siiyaan hannaanka doorashada Soomaaliya. Waxa uu ku boorriyey in ay xal u helaan arrimaha ku xeeran afarta kursi ee Guddigu aysan siin shahaadooyinka si doorashadu ay u dhammaato iyadoo aan dib u sii dhicin”
Dhinaca kale safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster ayaa sidoo kale kulan gaara la yeelay xubnaha Guddiga, waxayna qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay kala hadashay sidii xal loogu heli lahaa kuraasta laga reebay dhaarinta.
“Waxay ahayd arrin wanaagsan inaan la kulmo Guddiga Doorashada. Waxaa ka hadalnay muhiimadda ay leedahay in la helo waddo degdeg ah oo ku aaddan 4-ta kursi si aysan caqabad ugu noqon dhaarinta xildhibaannada ee 14-ka Abriil”.
Waxaa socda dadaal xoog leh oo ay wadaan dalalka Ingiriiska, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay oo la doonayo in si heshiis lagu wada yahay looga gudbo caqabada ka timid afarta kursi ee Guddiga FEIT uu go’aamiyey in dib loogu noqdo Doorashadooda.

