Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Beesha caalamka oo soo faragelisay khilaafka Baarlamaanka Jubba (Bayaan)

    Beesha caalamka oo soo faragelisay khilaafka Baarlamaanka Jubba (Bayaan)

    June 9, 2015Updated:June 9, 20152 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kooxda Beesha Caalamka ee saameynta ku leh arrimaha Soomaaliya ayaa bayaan ay kasoo saareen muranka ka taagan dhismaha Baarlamaanka KMG ah ee Juba ku caddeeyay inay tageerayaan fursad la siiyo guddiga ay xukuumadda Soomaaliya u magacawday xalinta arrintan; waxayna dhinacyada ay quseyso arrintan ugu baaqeen inay keenaan tanaasul.

    Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa  soo dhoweeyay horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray geedi-socodka maamul samaynta ee Jubba.

    kismayo

    “Waxaan soo dhoweynaynaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ku dhiirri-gelinaynaa Maamulka Ku-Meelgaarka Jubba iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay si waxtar leh uga shaqeeyaan sidii lagu xallin lahaa wax kasta oo ka dhasha geedi-socodka baarlamaan goboleedka Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba (IJA), laguna xalliyo wadahadal iyo wadatashi.

    Caqabadaha hadda taagan ee la xiriira dhismaha Golaha Barlamaanka Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Jubba waa in lagu wajaho qaab dib-u-heshiisiin iyo isu-tanaasul ku dheehanyihiin.

    Guddiga Wasiirada ee uu Ra’iisal Wasaaruhu sameeyay isagoo ka wakil ah Dowladda Federaalka si uu uga tala bixiyo xalka waa tallaabo wax ku ool ah. Waxaan soo dhoweynaynaa tallaabadan muhimka ah ee horey loo qaaday.

    Waxaan dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso ku dhiirrigelinaynaa inay waqti siiyaan Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnaha guddiga si ay hawshooda u gutaan iyo in guddiga lala yeesho wadashaqaynta loo baahanyahay.

    Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso inay ka joogsadaan tallaabooyinka waxyeello u geysan doona geeddi socodka sameynya dowlad-goboleedyada guud ahaan ama dib u dhac ku keeni kara guulihii geeddi socodka laga gaaray. Iyadoo hadda la sameeyay golaha baarlamaan goboleedka Jubba, waxaa socda geeddi socodyo dowlad dhisid oo muhim ah oo la xiriira dastuurka Jubba, arrimahaas dhammaantoodana waxay u baahanyihiin in dhinacyada arrintu khuseyso iyo beesha caalamkuba ay aad u taageeraan waqtigan hadda la joogo.

    Waxaan rajeynaynaa inaan aragno xal wax ku ool ah oo lagu gaaro hanaan nidaamsan, loo wada dhanyahay oo ay Soomaalidu horseedo. Saaxiibada ay Soomaaliya caalamka ku leedahay waxaa ka go’an inay taageeraan geeddi socodka dalku ee nabadda iyo dowlad dhisidda.

    Dhammaad

    [ad name=”HTML-1″]

    [ad name=”HTML-6″]

     

    Baarlamaanka Jubba Beesha caalamka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleUN envoy applauds country’s successes as country ‘comes together’
    Next Article Wafdigii dowladda ee Jigjiga tegay oo maxaabiis ka dejiyay magaalada Cadaado

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo