Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Beesha Caalamka oo War-Cad soo saartay (Baarlamanka Federaalka oo looga digay inuu keligiis Go’aan..”

    Beesha Caalamka oo War-Cad soo saartay (Baarlamanka Federaalka oo looga digay inuu keligiis Go’aan..”

    July 28, 2020Updated:July 28, 20204 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    The international partners
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Beesha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya oo loo yaqaan “Saaxiibada Soomaaliua”  ayaa War-Cad oo ay kasoo saareen xaaladda Soomaaliya walaac ka muujiyey tallaabooyinkii siyaasadeed ee xil ka qaadistii Ra’iisal wasaare Kheyre, waxayna sheegeen inay rajeynayaan inaysan caqabad ku noqon heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb.

    Waxay si cad u sheegeen in isbedelka dhacay oo uu ka mid yahay Baarlamaanka Federaalka ay rajeynayaan inaysan wiiqin doonin dadaallada lagu gaarayo isafgarad siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka waqtigooda ku dhaca, carqaladeeya ajandaha dib-u-habeeynta Soomaaliya, iyo abuurid xasillooni darro dib u celin karta guulihii ilaa iyo hadda la gaaray.

    Beesha Caalamka waxay ku baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si loo gaar heshiis sal ballaaran oo ku saabsan qaab dhismeedka doorashada 2020. “Tani waa sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay gaareen hoggaamiyaasha Federaalka iyo Dowlad-gobolleedyada ee ka dhacay Dhuusamareb 22-kii Luulyo oo ah tallaabo muhiim u ah yoolkaas.. Saaxiibada caalamiga ah waxay filayaan in madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedku ay ixtiraamaan heshiisyadii 22-kii Luulyo lagu gaaray Dhuusamareb iyo waqtiga loo qabanayo shirarka dabagalka ee isu imaatinka Dowladda Federaalka, Dowladaha xubinta ka ah federaalka, hoggaanka baarlamaanka federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah..” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

    Waxay beesha caalamka ka digtay in qolo gaara ay keligeed go’aan ka gaarto qaabka Doorashada. “Isku day kasta oo uu sameeyo dhinac ka mida saamileyda siyaasadda (Baarlamaanka) keligiis ku soo rogo Qaabka Doorashada wuxuu noqonayaa sharci darro aan la fulin karin, iyadoo aan taageero laga helin dhinacyada kale. Beesha Caalamka waxay si dhow ula socon doontaa xaaladda socota ; waxaana muhiim ah in dhinacyada oo dhan ay ka go’naato mudnaanta ay siinayaan heshiis lagu gaaro wadahadal iyo wadar-ogol, waxayna lagama maarmaan u tahay taageerada Beesha Caalamka.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA BEESHA CAALAMKA

    Saaxiibada Soomaaliya* ee beesha caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aanay wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka.

    Saaxiibadu waxay si joogto ah ugu baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka. Taasi waa sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaaro yoolkaas.
     

    Saaxiibada caalamku waxay ka filayaan in madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo iyo jadwalka waqtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas, la iskuguna keeno Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hoggaanka Baarlamaanka Federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah. Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay.

    Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii  Dhuusamareeb.

    *Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay

    Baarlamanka Beesha caalamka Doorashada Doorashada 2020 Federaalka Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirka Boostada oo Digniin soo saaray: “Si ku-meelgaar ah loo xalliyay cilladdii Khadka Internet-ka”
    Next Article Calaamado muujinaya inuu Mahdi Guuleed u shaqeynayo sida Ra’iisal Wasaare rasmi ah (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo