Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Beesha Caalamka War Cad ka soo saartay in hogaamiye kooxeedy & argagixiso loo doorto Aqalka Sare

    Beesha Caalamka War Cad ka soo saartay in hogaamiye kooxeedy & argagixiso loo doorto Aqalka Sare

    October 16, 2016Updated:October 16, 20162 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden,  Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka waxay aad uga walaacsan yihiin in shaqsiyaad taariikhda ku leh colaado, falal dembi iyo argagixisnimo lagusoo daro  liisaska musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee ay soo gudbiyeen qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada kamidka ah federaalka ee jira iyo kuwa samaysmaya, iyadoo laga yaabo in shakhsiyaadkaasi ay kamid noqdaan musharaxiinta Golaha Shacabka.

    Magacaabista iyo doorashada dhici karta in la doorto shakhsi kasta ee ka mas’uul ahaa colaadihii sababay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya waxay ka dhigantahay tallaab dib u dhac ah xilli Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso inay furto bog cusub. Tan waa inay xisaabta ku darsadaan dhamaan inta arrintu khusayso ee muhiimka ah maadaama ay socoto u codeynta musharaxiinta Aqalka Sare, iyadoo 14,025 ergo doorasho la isku keenayo dabayaaqada bishan si ay u doortaan xubnaha Golaha Shacabka.

    Dadka Soomaaliyeed, iyo weliba saaxiibada Soomaaliya  ee caalamka waxay mudanyihiin inay kalsooni ku qabaan hay’adaha samaysmaya ee kasoo baxaya geedi-socodka doorasho ee hadda socda. Waa in dadaal kasta lagu bixiyaa sidi lagu xaqiijin lahaa in geedi-socodka ay kasoo baxdo magacaabis mas’uuliyiin sumcad leh oo loo magacaabo xafiisyada dowladda, kuwaas oo aan wiiqi doonin sharciyadda iyo kalsooni ku qabidda Dowladda iyo Baarlamaanka cusub.

    Waxaa [hadda] socdo hawlihii diiwaan-gelinta musharaxiinta u tartamaya 275ka kuraas ee Golaha Shacabka, waana in ergada doorasho aanay dooranin shakhsiyaad taariikhda ay ugu qoranyihiin falal dembi iyo colaado si ay beelohooda iyo jufooyinkooda ugu metelaan aqalka hoose ee Baarlamaanka.

    “Soomaaliya waxay dib usoo dhisanaysaa hay’adeheeda iyo sharciyaddeeda kadib 25 sano oo colaado hubaysan ahaa,” ayuu yiri Mudane Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya. “In la iska diido musharraxiin baarlamaan oo ku lug lahaa qaar kamid ah xadgudubyadii ugu xumaa ee xuquuqul insaanka ee ka dhacay dalka waxay sii adkeynaysaa sida ay Soomaaliya uga go’antahay soo afjaridda dhaqanka ku salaysan sharci ka sarraynta ama la-xisaabtan la’aanta iyadoo arrintan ay indhaha ku hayaan muwaadiniinteeda iyo dunida guud ahaan.”

    Aqalka sare Beesha caalamka Doorashada UN-ka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXasan Sheekh oo soo saaray Baaq u xaglinaya qoondada Haweenka ee Aqalka Sare
    Next Article DAAWO: Video qosol leh oo Guddiga Doorashada soo diyaariyay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo