Odayaal, iyo xidhibaanada labada gole ugu beesha Habargidir ayaa caawa kulan kula leh xarunta madaxtooyada madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Kulankan ayaa ka mida shirarka iyo la-tashiyada madaxweynaha la yeelano beelaha Hawiye, waxaana arrinta ugu weyn ee looga hadlayo ay tahay cidda loo magacaabayo xilka Ra’iisal wasaaraha.
Beesha H/Gidir ayaa rajo weyn ka qabta in jagada ra’iisal wasaaraha ay markan heli doonto, waxaana la sheegay inay u dhow yihiin xubno beeshaasi ka soo jeeda, laakiin arrinta xasaasiga ee ay doonayaan inay hordhigaan Madaxweyne Farmaajo ayaa ah sii deynta Sheekh Xasan Dahir Aweys.
Sheekha ayaa muddo dheer xabsi guri ugu jira dowladda Federaalka, waxaana xaaladiisa ay tahay mid cakiran oo xal loo waayay, iyadoo qorshe dalka Qatar ku qaadan lahaa uu fashilmay.
Wadani.com