Guddiga Maamulka doorashada Maamulka Hirshabelle ayaa maanta shaaciyay jadwalka iyo habraaca Doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta ugu adag ee Beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Beledweyne.
Qoraalka uu so osaaray Guddiga Doorashada ee SEIT Hirshabelle ayaa lagu shaaciyay in doorashada 11-kan kursi ay Beledweyne ka dhaceyso 9-ka bishan Maarso 2022, waxaana kuraastan dib loogu dhigay markii hore inay u sharxan yihiin musharixiin fara badan oo arrintooda adag tahay, qaarkoodkna ay hubeysan yihiin.
Labadan beelood oo ah kuwa ugu tunka weyn magaalada Beledweyne ayaa madaxda Hirshabeelle ay dib ugu dhigatay arrimo amni iyo suuragalnimada in qalalaaso ay dhaliyaan.

