Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Bil Gates oo ku dhawaaqay inuu 150 Milyan oo Doolar siinayo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO

    Bil Gates oo ku dhawaaqay inuu 150 Milyan oo Doolar siinayo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO

    April 16, 2020Updated:April 16, 20202 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maalqabeenka Mareykanka ee dunida ugu lacagta badan Bill Gates ayaa ku dhawaaqay inuu lacag deeq ah siinayo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, maalin kadib markii Madaxweynaha Mareykanka uu joojiyey lacagtii dowladda Mareykanka siin jiray Hay’addaasi.

    War kasoo baxay Hay’adda Gates Foundation oo ay shaacisay xaaska Maalqabeen ee Melinda Gates ayaa lagu sheegay in lacag dheeraad ah oo gaareysa $150 Milyan oo Doolar ay siinayaan Hay’adda WHO si looga taageero dagaalka dunida kula jirto cudurka Coronavirus.

    Bil Gates ayaa si weyn u cambaareeyay tallaabada uu ku dhaqaaqay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee inuu dhaqaalaha ka jaro WHO, wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay inay tahay mid halis ah xilligan xaalad culus ka taagan tahay dunida ayna ku howlan tahay sidii loo xakameyn lahaa faafitaanka cudurka Covid-19.

    Bill Gates ayaa sheegay in caalamka uu xilligan aad ugu baahan yahay shaqada WHO si aan hore loo arag, ayna tahay in shaqadeeda lagu garab istaago. Hay’adda Gates Foundation ayaa hore u siiyay WHO lacag dhan 100 Miyan, waxayna guud ahaan lacagta ay sanadkan siineyso hadda gaartay 250 Milyan oo doolar.

    Agaasimaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa uga mahadceliyey Bill Gates iyo xaaskiisa lacagta dheeraadka ah ee ay ugu deeqeen Hay’adda WHO xilligan ku jirta xaalad adag oo looga jawaabayo cudurka Covid-19.

    Arrintan ayaa jawaab u ah go’aankii Madaxweyne Trump ku weerarray Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo si weyn dunida iyo gudaha Mareykanka looga cambaareeyay.

    Bill Gates Corona Virus Gates Foundation US WHO
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleYusuf Garad: “Waxaa iga degi kari la’ in Dowladdu ay weriye ku riddo xabsiga Dhexe iyadoo aan Maxkamadi xukumin”
    Next Article Dhaqaatiir Coronavirus dartiis Dowladda China dirtay oo gaaray magaalada Addis Ababa (Sawirro)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo