Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Yusuf Garad: “Waxaa iga degi kari la’ in Dowladdu ay weriye ku riddo xabsiga Dhexe iyadoo aan Maxkamadi xukumin”

    Yusuf Garad: “Waxaa iga degi kari la’ in Dowladdu ay weriye ku riddo xabsiga Dhexe iyadoo aan Maxkamadi xukumin”

    April 16, 2020Updated:April 16, 20203 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, ahna saxafi ruugcaddaa ah ayaa ka hadlay xariga dowladda Soomaaliya ay u geystay tifaftirihii Warbaaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

    Qoraal uu arrintan uga hadlay ayuu sheegay inuusan fahmi karin sababta weriye loogu xiro xabsiga dhexe, iyadoo aanay maxkamad xukumin, wuxuuna saxafiyiinta kala taliyey inay faafiyeen warar aan sugneyn.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA

    Hanjabaad weriye hawada loo mariyay ayaan toddobaadkii hore ka hadlay sida aan u arkay.
    Hadda weriye ayaa xabsiga loo taxaabay.Anshaxa Saxaafaddu wuxuu farayaa Suxufi kastaa in uu mar kasta ka dhowrsado war aan sugneyn. Si gaar ah xilliyada masiibooyinka, kacdoonka, colaadaha iyo doorashada.

    Sidoo kale waa in uu ka dhowrsado warka dhaawici kara sharafta mas’uuliyiinta, muwaaddin kasta oo kale iyo Aadane oo dhan.

    Haddii aan caddeyn biyo kama dhibcaan ah loo heyn, in xilligan xasaasiga ah, Madaxweynaha oo dalka oo dhan ka mas’uul ah, lagu eedeeyo in uu qaatay Neefsiiyaha bukaanka neefsan waaya xanuun awgiis, ma ahan keliya in ay ku tahay meel-ka-dhac iyo eedeyn aad u culus oo tilaameysa mas’uuliyad darro weyn.

    Waxaa lagala dhex bixi kartaa in Madaxweynuhu uu xanuunsanayo.Dhiillada uu warkaasi xambaarsanyahay waxay horseedi kartaa khalkhhal siyaadeed iyo mid bulsho.

    Kuma aqaan Madaxweynaha, kamana fili karo mas’uuliyad darro intaas le’eg iyo xishood la’aan noocaas ah.

    Xorriyadda Saxaafaddu ma ahan shati kuu fasaxaya xadgudub.Haddana, si looga nabadgalo xadgudub, haddii uu dhacayna loo khasbo raalli gelin ama magdhow, dariiq sharci ah oo loo maro ayaa jira.

    Wuxuu u furan yahay hey’ad, mas’uul, muwaaddin iyo Aadane kasta oo xadgudub ka tirsanaya saxaafadda. Waxaa iga degi kari la’ sida aan ka arkay warka Ururka Suxifiyiinta FESOJ in Dowladdu ay weriye ku riddo xabsiga Dhexe iyada oo aan Maxkamadi xukumin.

    Xilligan xasaasiga ah oo ay tahay in weriyayaashu feejignaan sare ay ka muujiyaan faafinta war aan sugnayn, ayay tahay Dowladduna in iyada oo xirtay Goobaha waxbarashada, lagana digay Masaajidda ka hortagga Coronavirus awgiis, aanay war Facebook lagu qoray ka dudin oo dartiis aanay Tifatire ugu ridin Xabsiga Dhexe.

    Talada aanay ii dirsan ee Dowladda aan u ugu deeqayo waxay tahay in aanay jirin Dowlad isku heli karta in ay Dimuqraaddi ahaato iyo in ay weriyayaasha ka nabadgasho ugana adkaato xabsi aan Maxkamad lahayn iyo cagajugleyn aan xataa dedneyn ee daalacan.

    Saxaafad waxay ku dhisan tahay aamminaad. Haddii ay war been ah ka sheegto, sida ugu wanaagsan ee looga adkaado waa in aad caddeyso in aan warkeedu run ahayn, taas oo dhaawaceysa kalsoonida iyaga lagu qabo, ka badan inta uu xabsi u dhimi karo.

    Maaddaama aan loo socon in la laalo Xeerarka Dimuqraaddiyadda iyo xorriyatul qowlka Dastuurka ku asteysan oo ay tahay in loo hoggaansanaado, waa khasab in ay Dowladdu barato hab ay ugu gegsato si ay ula noolaato qaniinyada saxaafadda middii aan dalka dumineyn.Soomaaliya keliya ma aha.

    Jacayl iyo nacayb wada socda ayaa ka dhexeeya saxaafadda iyo Dowladaha Dimuqraaddiga ah sideenna oo kale.

    W/Q: Yusuf Garad

    C/casiis Gurbiye Goobjoog Weriye la xiray Yusuf Garad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo War yaab leh kasoo saartay Dhaqtar ay ku dishay Magaalada Muqdisho (Akhriso)
    Next Article Bil Gates oo ku dhawaaqay inuu 150 Milyan oo Doolar siinayo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo