Taliyaha Saldhigga Booliska Magaalada Cadaado L/Xiddigle Cali Xasan ayaa shaaciyey in eedeysane ku lug lahaa kiiskaasi ay ku qabteen degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud kadib xog ay ka heelen Booliska.
“24 saac kadib waxaa noo suuragasay inaan gacanta ku dhino Mohamed Ibraahim Cismaan oo ah ninka lagu eedeynayo falka gabadhii la diay ee dabaqa lagas oo tuuray magaalada Muqdisho.. Amarka nala siiyey ayaa ah inaan diyaar u saarno oo la geeyo caasimadda” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska Cadaado.
Eedeysanaha falka dilka iyo kufsiga Xamdi Maxamed Faarax ayaa la sheegay inuu Booliska Cadaado u sheegay inuu saaxiib la ahaa Xamdi, kuna balamiyey Hotelka, laakiin uu waayey muddo kadib, iyada ay iskeed dabaqa isaga tuurtay.
Baaritaanka Kiiska oo naxdin weyn ka dhaliyey Muqdisho ayaa sii xoogeysnaya, waxaana isla maanta loosoo dhoofiyey magaalada Muqdisho oo uu ku wajihi doono dacwadda falka loo heysto.

