Booliska magaalada Nairobi ayaa xalay qaaday howlgal uu ku burburiyay goobigii ganacsatada yaryar ee waratada loo yaqaan ku lagaayeen xaafadda Islii.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii ganacsatada suuqaasi ay xireen ganacsigooda iyagoo ka cabanaya inay ganacsiyadooda xanibeen ganacsadayaasha wareega ee hortooda xirtay, waxayna cabasho u direen dowladda dalkaasi oo tallabado qaaday.
Booliska ayaa habeenimo ku soo guureeyay xaafada Islii oo loo yaqaan “Muqdishada yar” waxayna gebi ahaan burburiyeen miisaskii iyo gaari gacanyadii goobtaasi yaalay, taasoo keentay in saaka ay bannaanbaxyo dhigaan ganacsatadaasi.
Waxaa la sheegaa in 20,000 oo ah nooca ganacsatada yaryar ay ganacsi ku leeyihiin Islii iyagoo kor saar ku ah ganacsiga waaweyn.
Eastleigh ayaa waxaa ku yaala In ka badan 50 ganacsiyada waaweyn ee loo yaqaan Mall, waana suuqa ugu weyn Bariga Afrika iyadoo lacag badan oo canshuur ah ay ka soo gasho dowladda Kenya.
Waxaa hadda laga cabsi qabaa in ganacsatada yaryar ay bilaabaan fowdo iyo qas ka dhashay Islii, kaasoo u keena in halkaasi ay isu bedesho goob qalalaase ka taagan yanay.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com