Booliska Kenya ayaa helay qeyb ka mida jirka guddoomiye degaan oo ka tirsan Gobolka Wajeer, Waqooyi Bari Kenya, kadib markii la afduubtay.
Ninkan oo ahaa guddoomiyaha degaanka Gumarey ee Wajeer ayaa lagu magacaabi jiray Omar Aadan Buul, waxaana Jimcihii afduubtay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo weerar ku qaaday degaankaasi, markii ay isaga cararreen ciidamadii Kenya ee halkaasi ku sugnaa.
Madaxa ninkan oo kaliya ayaa laga helay jidka degaan u dhaxeeya Khorof Harar Konton oo degaanka Wareer ka mida oo dad xoolo dhaqato ah ay arkeen; waxayna Booliska sheegeen in ninkan lagu gowracay degaan kale oo madaxiisa la geeyay jidkaasi.
Booliska degaankaasi ayaa sheegay in lagu aasi doonto qeybta jirka ah ee la helay oo maanta la geeyay isbitaalka meydadka ee Wajeer.
