Wararka laga helayo magaalada Burco ayaa sheegaya in Booliska Somaliland ay xabsiga dhigeen C/maalik Muuse Coldoon oo ah saxafiyo iyo samafal.
Ciidamada Booliska magaalada Burco ayaa qabtay oo xabsiga u taxaabay saxafiga Cabdimaalik Coldoon xilli uu ku sugnaa Xafiskiisa, waxayna wararku sheegayaan in lagu xiray saldhigga Booliska magaalada.
Lama oga waxa loo heysto Weriyaha oo hore dhowr jeer loogu xiray Somaliland, ayna isku dhaceen Maamulka Muuse Biixi, aakiin wuxuu muddooyinkii danbe si wen u dhaliilayey maamulka.
Doodiisii ugu danbeeyay wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland oo difaacay Xarunta dhaqanka agaalada Hargeysa oo arrimo badan uu ka sheego weriyaha iyo Dugsiga Abaarso.
