Ciidamada Amniga ayaa soo qabtay burcad ku Hubeysan oo dhaca ka geystay goobo ganacsi oo ku yaalla degaanka Weydow ee duleedk Muqdisho iyo Degmada Dharkeynley.
Burcadan oo koobnaa laba askari oo ku lebisan dareyska ciidamada ayaa waxaa duubtay kaamerada qarsoon ee CCTV, waxaana lagu baahiyay Barha bulsjada, iyadoo raadraac ay sameeyeen Ciidamada Booliska lagu soo qabtay, sida uu shaaciye Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.
Goobaha ay dhaca ka geysteen Burcadda waxaa ka mid ahaa Farmashiye iyo Dukaamo ay ka qaateen qalab kala duwan iyo lacag, iyadoo markii danbe ay u gacan galeen ciidamada Booliska.
“Baaritaan dheer kadib ciidanka booliska degmada Dharkenley ayaa soo qabtay labadaan nin ee Burcad ah, waxaana lagu soo xiray Saldhigga Degmada Dharkenley, ciidanka ayaa ragaan ka qaaday agab kala duwan oo ay ka soo dhaceen bulshada, Muwaadiniinta ay burcadaan dhaca u geysteen waxaa laga codsanayaa inay soo wacaan lanbarka gaaban ee 991, si loogu hagaajiyo xoolaha ka maqan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.