Boqolaal ka mida wadayaasha Mootada Bajaajyada magaalada Muqdisho ayaa bannaanbax ka wada magaalada Muqdisho, iyagoo xirtay waddo muhiim ah oo u dhow xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Bannanabaxayaasha ayaa ka horjeeda wadooyinka Muqdisho oo Biyo xireen iyo qaar ay xirteen ciidamada dowladda Federaalka, waxayna sheegeen inaysan heysan wado ay maraan, iyagoo ka dalbaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inuu arrintan soo farageliyo oo nadiifiyo wadooynka biyaha xireen.
Bajaajleyda waxay xireen Wadada isgoyska Shabeelle ee u dhow Daljirka Dahsoon, iyagoo sheegay inaysan furi doonin wadaddaasi inta maamulka Gobolka Banaadir uu ka xalinayo dhibaatada ka heysta marista wadooyinka.
Xaaladda ayaa kacsan iyadoo ay xirmeen wadooyin muhiim ah oo laga soo galo Madaxtooyada iyo suuqa weyn ee Xamarweyne.
