Boqolaal ciidamo Soomaali ah oo loo tababarrayo kumaandoos ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdish, iyagoo ku sii jeeda dalka Turkiga.
Cidamadan ayaa in muddo ah ku jiray xerada Turkiga SomTurk, waxaana laga soo xulay dhalinyarro loo qaatay in loo tababarro gaar ah oo loogu carbinayo inay noqdaan kumaandoos, iyagoo ku qaadan doono dalka Turkiga, waxaana Muqdisho ka qaaday diyaarad milateri oo xamuul.
Ciidamada cusub ee loo qaaday Turkiga ayaa imaanaya maalin kadib markii ay shalay dalka ku soo laabteen 300 askari oo tababar Kumaandoos ah kusoo qaatey dalka Turkiga .



