Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Boqolaal Gantaal oo lagu duqeeyay Magaalooyinka Israel & Duqeyn ka socota Magaalada Gaza

    Boqolaal Gantaal oo lagu duqeeyay Magaalooyinka Israel & Duqeyn ka socota Magaalada Gaza

    November 12, 2018Updated:November 13, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kooxaha Muqaawamada reer Falastiin ayaa in ka badan boqol Gantaal caawa ku weerarray magaalooyinka kaabiga ku haya Marinka Gaza, iyadoo xiisad colaadeed ay ka taagan tahay Marinka Gaza.

    Arrintan ayaa ka dambeysay howlgal  ciidamada gaarka ah ee Israa’iil ka fuliyeen degaanka Khan Yoonis ee Marinka Gaza, iyadoo halkaasi ku dilay sarkaal sare oo kooxda Xamaas ka tirsan, taasoo keentay dagaal  dhex maray ciidamada Yuhuudda iyo maleeshiyada Xamaas oo lagu dilay Korneylkii hoggaamineyay Ciidamada Yuhuudda.

    Kooxaha reer Falastiin ee hubeysan ayaa weerarkaasi ka jawaabay weerarka lagu dilay sarkaalka sare ee Xamaas Nur Baraka, waxayna caawa in ka badan 200 gantaal ku weerarreen magaaalooyinka Yuhuudu heysato ee ku dhow Marinka Gaza.

    Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qof Israa’iili ah ku dhintay, 50 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen duqeyntaasi iyadoo dadka lagu amray inay guryaha hoostooda ku dhuuntaan, waxayna Israa’iil duqeyn cirka ah ka bilowday Marinka Gaza oo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in 3 qof Falastiini ah lagu dilay 9 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Dolwada Israel ayaan wax faahfaahin ka bixin howlgalka ka fashilmay ee qarsoodiga ahaa oo looga dilay  Korneyl ka tirsan ciidamada gaarka ah ee dalkaasi. Waxayna ku hanjabtay inay tallaabo adag ka qaadi doonto Xamas.

    Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ayaa burburiyey dhismaha telefishanka Al-aqsaa oo Xamaas taageersan, waxayna weerarro duqeyn ah ku qaadeen ilaa 70 goobood oo ka tirsan Marinka Gaza.

    Xiisadda cusub ee dagaalka ayaa timid, iyadoo Netanyahu uu difaacay go’aan uu dowladda Qatar ugu ogolaaday inay 15 milyan oo lacag gargaar kaash ah ugu gudbiso shaqaalaha marinka Gaza, taasoo qeyb ka ah dadaal uu xasilooni ugu soo dabaalayo magaaladan oo ay maamusho Xamas.

    Falastin Gaza Isreal Weerar
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKu-simaha Madaxweynaha K/Galbeed oo Amarro ku soo rogay Wasiiradii Shariif Xasan [Akhriso]
    Next Article WAR CUSUB: Dad Shacab ah oo Gacanta ku dhigay Nin Fal dil ah ka Geystay Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo