Booliska dalka Maleysia ayaa shaaciyay inay fashiliyeen qorshe lagu doonayay in lagu khaarijiyo Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin C/casiis.
Qorshahan ayay boolisku sheegeen inay soo maleegeen kooxo xagjir ah oo ka kooban 7 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Daacish oo laba ka mida ay u dhasheen dalka Yeman.
Waxaa dadka loo qabtay falkan ka mida qof u dhashay dalka Maleysia iyo mid kale oo kasoo jeeda dalka Indonesian, waxaana Booliska ay xabsiga dhigeen kooxdan oo ujeedkoodu ahaa inay magaalada Kuala Kumpur ku dilaan Boqorka Sacuudiga.
4 ka mida kooxda la qabtay ayaa u dhashay dalka Yeman, waxaana Boolisku sheegay inay hore ugu lug lahaayeen falal dembiyeed isugu jira been abuur Baasabooro iyo Dokumentiyo kale.
Taliyaha Booliska Maleysia ayaa sheegay inay ka war heleen kooxdan oo ay gacanta ku dhigeen intii aan wax tallaabo ah qaadin, iyadoo qorshahoodu ahaa inay weerar ka geystaan dalkaasi oo ay u adeegsanayaan Gaari laga soo buuxiyay waxaabaha qarxa.
Wadani.com