Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin C/casiis ayaa shir caalami ah ku casuumay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Casuumaadda rasmiga ah ayaa waxaa madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyay Safiirka Sacuudiga ee Kenya, una qaabilsan Soomaaliya Maxamed C/qani oo shalay magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya.
Shirka caalamiga ah ee lagu casuumay madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah shir madaxeedka dalalka Carabta Islaamka iyo Mareykanka.
Shirkan ayaa 21-ka bishan May ka furmaya magaalada Riyaad, waxaana ka qeyb geli doona madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo safarkiisii ugu horeeyay ee dibadda ku tageya Sacuudiga.
Boqorka Sacuudiga ayaa shirkan ku casuumay madaxda 17 dal oo Carbeed, waxaana ka mida madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo la kulmi doona madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Shir madaxeedka Carabta iyo Mareykanka ee magaalada Riyaad ayaa qeyb ka ah safarka madaxweynaha Mareykanka ee Sacuudiga oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah: shir Mareykanka iyo Sacuudiga u gaara, shir Mareykanka iyo Khaliijka u gaara iyo shirka ugu danbeeya oo madaxda carabta iyo Mareykanka u gaar noqon doona.
Waa socdaalkii labaad ee madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Sacuudiga muddo saddex bilood gudahood ah, waxaana la filayaa inuu Riyaad kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Wadani.com