Boqorka Sacuudiga Boqor Salaam Bin C/casiis ayaa telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan, sida ay shaacisay wakaalada wararka Sacuudiga SPA.
Boqor Salmaan ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Turkiga sida uu u soo dhoweeyay dhismaha Guddiga wadajirka ah ee baaraya halkii uu ku danbeeyay qoraaga Sacuudiga Jamal Kashoqgi oo lagu waayey Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.
Warka ayaa lagu sheegay in Sacuudiga ku dadaallayo xiriirka u dhaxeeya Turkiga iyo Sacuudiga, isla markaana aysan cidna loodin karin xiriirka walaaltinimo iyo mid taariikheed ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Turkiga.
Xiriirka Boqorka Sacuudiga la sameeyay madaxweynaha Turkiga ayaa imaanaya xilli ay culeys aad u weyn wajaheyso Sacuudiga oo laga dalbanayo inay caddeyso halkii uu ku danbeeyay qoraaga Jamal Kashoqgi oo warar hoose sheegeen in lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga.