Koox dhalinyaro burcad ah oo ka kacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada Amniga.
Kooxdan oo ka kooban afar nin oo dhalinyaro ah ayaa la sheegay in muddo dheer lagu guda jiray iyadoo ay cabasho ka keeneen ardayga Jaamacadaha, haweenka iyo dadweynaha kale oo ay ka qaadan jireen Mobile-da iyo lacagaha ay sitaan.
“Shabakad Burcad Hubeysan ah oo in badana lagu daba jiray ayeey Hay’adaha Amniga Degmada Hodan Gacanta kusoo dhigeen. Waxa aay dhac u geeysan jireen ardeyda jaamacahada iyo dumarka iyo Hooyooyinka degmada..” ayuu yiri Guddoomiye Degmada Hodon Maxamed Cantoobo.
Kooxdan iyo qaar ka mida agab ay dhacday ayaa lagu soo bandhigay xarunta saldhigga degmada Hodon ee magaalada Muqdisho iyadoo ay halkaasi tageen mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banadir.