Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»C/CASIIS LAFTA-GAREEN: Musharaxa Madaxtooyada & Lama-filaanka kasoo wajihi kara Doorashada K/Galbeed

    C/CASIIS LAFTA-GAREEN: Musharaxa Madaxtooyada & Lama-filaanka kasoo wajihi kara Doorashada K/Galbeed

    December 19, 2018Updated:December 19, 20182 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Doorashada madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya waxay isu bedeshay doorasho la sii ogyahay qofka ku guuleysan doona, kadib markii dowladda Soomaaliya ay awood milateri iyo mid dhaqaale isugu geysay sidii ay u soo saari lahayd musharax ay wadato.

    Wasiirkii hore ee Tamarta iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka C/casiis Nuur Maxamed (Lafta-gareen) waa shaqsiga dooran ee maanta la dooran doono, marka la eego sida wax u dhaceen tan iyo intii uu is-casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan, isla markaana la xiray Mukhtaar Roobow.

    Si kastoo ay noqotaba waxa dhici karta in arintu lama filaan ku dhammaato ama halis weyni soo wajahdo, taasoo ka dhalan karta diidmada weyn ee qorshaha dowladda ay kala hor yimaadeen dadka K/Galbeed.

    Xildhibaannada K/Galbeed oo gaaraya 149 waa bani’ aadam, waxayna leeyihiin damiir, wayna gaari karaan go’aan caafimaad qaba oo ka duwan culeyska la saaray iyo dhaqaalaha loo adeegsaday, mar haddii ay doorashadu tahay qarsoodi, xildhibaankuna codkiisa qarsoodi u dhiibanayo.

    Lama filaanka sugaya C/casiis Lafta-gareen, waxaa ka mida:

    1- In Doorashada lagu kala bixi waayo wareegga koowaad oo uu heli waayo codadka 2/3, mushariixintana kasoo dhex baxo lama filaan.

    2- In Xildhibannada K/Galbeed u codeeyaan rabitaankooda, codkoodana kula dagaalamaan rabitaanka dowladda Soomaaliya. halkaasina ay ka dhacdo “Lacag waa qaadasho, Codkuna waa qarsoodi”.

    Mar kastoo wareega koowaad lagu kala bixi waayo, waxaa sii adkaanaya rajada musharaxa dowladdu wadato ee C/casiis Lafta-gareen, laakiin waxay doorashadan tijaabo u tahay dadnimada xildhibaannada K/Galbeed oo aan weligood madaxweyne Dooran, sanad kadibna meesha ka bixi doona.

    Baydhaba C/casiis Lafta-gareen Doorashada K/Galbeed Lafta-gareen Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRRO: Musharixiinta & Xildhibaannada oo ku sugan Hoolka Doorashada Madaxweynaha K/Galbeed
    Next Article Doorshadii Madaxweynaha K/Galbeed oo bilaabatay & Magacyada Musharaxiinta [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo