Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee muddo xileedkiisu muranku ka taagan yahay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka jawaabay is-casilaadii wasiirkii Warfaafinta K/Galbeed, isagoo xilka ka qaaday xubno ka mida Golaha Wasiirada.
Wareegto uu isla xalay xilli danbe soo saaray ayuu Lafta-gareen ku magacaabay Wasiirka cusub ee Warfaafinta maamulkaasi C/fataax Cali Yuusuf, kadib markii uu is casilay wasiirkii hore Ilyaas Cali Nuur oo dagaalkii Baydhaba ka dhacay ku eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa Madaxweyne Laftagareen.
Dhinaa kale wuxuu Wareegtada uu soo saaray C/casiis Laftagareen ayaa xilkii looga qaaday wasiiru dowlihii wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose iyo Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.
Wareegatda kasoo baxday Laftagareen ayaa sidoo kale loogu magacaabay Cabdullaahi Maxamed Aadan in uu noqdo wasiiru dowlaha wasaarrada arrimaha gudaha, halka Cumar Cabdiaxmaan Maxamed loo magacaabay wasiir kuxigeenka wasaaarada shaqada iyo shaqaalaha.
Tallaabada madaxweyne Laftagareen ayaa imaaneysa iyadoo ay xiisad siyaasadeed ka taagan tahay magaalada Baydhaba, taasoo salka ku heysa muddo kororsiga Sanadka ah ee Madaxweyne Laftagareen.
