Wasiirkii hore ee Waxbarashada xukuuamdda Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa weerar qaawan oo afka ah ku qaaday Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Dabageed, kadib markii uu ku eedeeyay inuu colaad ka shaqeynayo.
Goodax Barre oo sheegay inuu Muqdisho ku soo laabtay kadib 10 maalmood oo uu ku sugnaa magaalada Beledweyne ayaa ku eedeeyay Yuusuf Dabageed inuu hakad galiyay wadahadalkii, isla markaana hadallo daandaansi ah uu baraha bulshada u mariyay dadka deegaanka, una arko xalka keliya in ay dagaalamaan.
“Wafdiga Dabageed wuxuu iigu muuqday dad colaad xambaarsan Isla markaana ku shaqaynaya fikirkii Dabageed ee ahaa: Haddii Cali Guudlaawe uusan imaan Baladweyne doorasho kama dhacayso”. ayuu yiri C/llaahi Goodax Bare oo ku tilmaamay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle in Taleefoon looga hago Muqdisho.
“Waa ayaan darro iyo nasiib xumo weyn in dadka nuucaas ah ee Muqdisho taleefanka looga hagayo, inay ummad dhan masiirkooda u burburiyaan danahooda shaqsiga ah, iyagoo sheeganaya in ay dadka matalaan, isla markaana ay abuuraan colaad iyo qalalaaso, si ay Guudlaawe Baladweyne u keenaan iyadoo loogu caga-jugleynayo in doorashada laga wareejinayo Baladweyne” ayaa ka mid ahaa qoraalka uu Goodax ku weeraray Yuusuf Dabageed.
Wuxuu ku baaqay oo uga digay in dadka uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ay ka waantoobaan falalka gurracan iyo colaad hurinta ay faraha kula jiraan, wax kasta oo meeshaas ka dhacana aanay ahayn mid looga hari doono, sida uu yiri.
