Wasiirkii hore ee Waxbarashada, ahna musharax xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa ka digay inay dhibaato ka dhici doonto magaalada Beledweyne haddii la isku dayo kuraasta la boobo .
Wuxuu sheegay in Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ay u yeereen musharixiinta, ayna u caddeeyeen in kuraasta harsan ee Beledweyne si xor ah loo dooran doono, balse uu Madaxweyne ku xigeenka arrintii ka baxay.
“Mas’uuliyadda maamulka mar haddii madaxweynihii ‘Guudlaawe; Annaga Dabageed Ma naqaano; Cali Guudlaawe ayaan Naqaanaa waxaana ka sugeynaa madaxweynaha wixii uu fagaaraha ka balan qaaday inuu sameeyo” ayuu yiri C/llaahi Goodax oo wareysi siiyay Universal TV.
Wuxuu intaas ku daray in Doorashada dad gaara loo xiro uu horeba u sheegay Yuusuf Dabageed, balse aan laga yeeli doonin, iyadoo Madaxweyne Guudlaawe raali ka yahay in la furo kuraasta.
“Hadddi la kala xishoon waayo waxaa suragal ah in meeshaas Dhibaato ka timaddo..” ayaa ka mid ahaa hadalladii C/llaahi Goodax Barre.
