Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo dhex uga jira dood ka dhalatay hadal uu jeediyey dalka Jarmalka oo xadiis ka sugan Nebiga NNKH ku tilmaamay Faalso, ayaa weerr ku qaaday culimo uu sheegay inay isku xiran yihiin oo ay taageeraan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Qoraal kooban ayuu C/raxmaan C/shakuur ku sheegay in Culimo uu tiriyey oo arrintiisa ka hadlay inay yihiin col isku xiran, isagoo shaaciyey inuu soo bandhigi doono taariikhdooda. “Dawlada Farmaajo Fatwo la yiraahdo “codkaada ku cibaadayso” oo Ictisaam ayaa lagu keenay, haatana waxaa la rabaa in Fatwa Ictisaam lagu difaaco. Fahad Yaasiin, Ummal, Daahir ka Boosaaso ka qaylinay, Bashiir Salaad, Calawa Jiis, waa col isku xiran. Taariikhdooda si furan ayaan dadka ugu soo bandhigi doonaa…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Culimo aad u fara badan ayaa ka dalbaday C/raxmaan C/shakuur inuu ka towbad keeno khaladkii uu galay, laakiin wuxuu uga jawaabay weerar ku socda Madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo culimada uu tiriyey ee Ictisaamka, isagoo sheegay in culimada ku xiran Madaxweyne Farmaajo iyo Villa Somalia ay si gaara u heystaan isaga.
FARRIINTII UGU DANBEYSAY EE C/RAXMAAN C/SHAKUR