Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu jebiyey qodob dastuuri ah oo keeni kara in dawcad xil ka qaadis ah lagu soo oogo, laguna qaado.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu C/raxaan C/shakuur ku yiri: “Madaxweyne Farmaajo wuxuu mar kale jebiyey qodob Dastuuri ah oo horseedi kara in la impeach gareeyo oo dacwad Xil ka qaadis lagu soo oogo. Qodobka 90-aad ee Dastuurka wuxuu qeexaya xilka iyo awooda Madaxweynaha. Faqrada (I) ee qodobkaas waxay leedahay:- “Wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare iyo Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib” Ma jiro Gudiga Adeega Garsoorka oo arrinkaas u soo jeediyey..”
Wuxuu intaas ku daray in qodobka 109 (A) ee Dastuurka uu qeexayo xilka iyo awooda Golaha Adeega Garsoorka, iyadoo Lambarka lixaad, faqradiisa A ay caddeyneyso awooda Gudiga Adeega Garsoorka ee magacaabista, anshax marinta iyo bedelaada Garsoorayaasha.
Siyaasiga oo ka mida mucaaradka weyn ee dowladda oo ku kacsan dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa sheegay inaysan Cidna ka qarsoona in Farmaajo uu ku howlan yahay soo celiyo rajiimkii kaligii taliska ahaa ee awoodaha laanta Fulinta, Sharci dejinta iyo Garsoorka hal gacan ku wada jireen.
“Waxaan ugu baaqayaa Xisbiyadda, inta Damiirka Dimoqoraadinimo leh ee labada Gole ku jirta, iyo Dawlad Goboleedyadaba in ka hor istaagaan inqilaabka uu Farmaajo dharaarta cad ku afgambinayo hay’adaha Dastuuriga ah..” ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay C/raxmaan C/shakuur.