Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si xoog leh u canbaareeyay falkii dadka badan lagu laayey ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, isagoo sheega inuu ahaa fal fool xun oo argagax leh.
“Galmudug iyo deegaanka Gaalkacyo waa ku ceeb in dad rayad ah oo aan danbi lahayn, cid ay wax ka galabsadeenna jirin, noloshooda caadiga ahna si degan oo dabiici ah u watay, malo weliba haybsooc ah lagu laayo..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo shacabka iyo maamulka Galmudug ugu baaqay inay falcelin ka sameeyaan arrintaasi.
“Dadkaasu waxay isku haleeyeen masuuliyida maamulka iyo dadnimada shacabka deegaanka, jawaabta ay maamulka iyo shacabku ka bixiyaan falkaas argagaxa iyo arxan darida leh ayaa laga arki doonaa in ay isku halayntoodu sax ahayd iyo in kale. Shacab iyo maamulba waa in falcelin isku mid ah laga sameeyo, meelna looga soo wada jeestaa, degdegna cadaalada loo horkeenaa kuwii falkaa arxan darida ah ku kacay…” ayuu ku yiri qoraal uu kasoo saaray arrintan.