Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa soo bandhigay laba qodob oo lagu qiimeyn karo waxqabadka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Laba qodob oo kala ah Siyaasadda iyo Amniga ayaa mid waliba waxaa qoddobo guud ahaan gaaraya 9, waxaana halbeegyadaasi ay yihiin kuwo aan wax badan laga qaban ama rajadoodu yar tahay in la gaari karo mudadda u harsan Madaxweyne Famaajo.
HOOS KA AKHRISO HAL-BEEGYADA
1- Horumar dhinaca Amniga ah waa in dOwlada si buuxda amniga dalka gacanta ugu dhigto. Halbeeggu waa:
A- Masuuuliyada amni ee dalka oo AMISOM lagala wareegto, si loo helo madaxbannaani buuxda.
B- DHismaha ciidan qaran oo waajibkaas guta
C- Alshabaab oo laga guulaysto dagaal iyo nabadba.
2- Horumar dhinaca siyaasadda waa in dalka ku meelgaarka laga saaro oo madax bannaani buuxda gaaro. Halbeeggu waa:
A- Dastuurka oo la dhammeystiro,
B- Doorasho qof iyo cod ah oo la qabto
C- Xiriirka wadashaqayn ee Dawlada Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedyada oo xoogeysta
D- Horumar laga gaaro wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay maanta ku beegan tahay sanadguuradii labaad ee markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.