Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u xiran u ogolaatay inuu ku baaqo in la dilo isaga.
“Dowladda Somalia waxay u ogolaatay Xasan Daahir Aweys oo ah argagixiso dilay kumanaan qof inuu ku baaqo in aniga la i dilo.. dowladda ku taageereysa arrintan iyo taageerayaasheeda arrintan ku faafinaya baraha bulshada.. miyaaney caddeyn in dowlada ay la shaqeyneyso Argagxisiada..” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur oo jawaab ka bixiyey hadal adag oo uu soo saaray Sheekh Xasan Daahir.
Sheekh Xasan ayaa sheegay inuu gaalnimo ku dhacay C/raxmaan, isla markaana uu ku jeesjeesay Xadiiskii Rasuulka, haddii uu towbad keeninna uu la mid yahay qoraagii Salmaan Rushdi oo aanu badbaadeynin.