Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in wareysigii uu Madaxweyne Farmaajo siiyey Universal TV uu ku sheegay in doorashadii 2016-kii dhacday aysan sharci ahayn oo aysan Dastuurka dalka waafaqsanayn.
“Waxaan ka rabnaa in uu noo sheego sida uu Madaxweyne ku yahay? Mise inqilaab ayuu dalka ku qabsaday sida dhaqankiisa ka muuqata? Mise farriin hordhac waaye oo ka dhigan doorasho uu isagu qaban in aysan sharci ahayn?” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo ka jawaabay wareysiga Madaxweyne Farmaajo.
C/raxmaan C/shakuur ayaa su’aalo badan ka keenay wareysiga, waxaana ka mid ahaa: “Waxaan Farmaajo ka rabnaa inuu noo sharaxo sida ciidanka uu Gedo ku dhurayo xadka Soomaaliya u difaacayo, iyadoo ay Kenya ciidankeedii gudaha Soomaaliya ku jiraan?, mise dhabarkeedu xadka ka Ilaalinayaa? Sidee Itoobiya ku joojisay faragelinta Soomaaliya, sow tii ay isku maqaam ku qaabishay isaga Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi..?, mise Madaxweyne Farmaajo Somaliland wuxuu u aqoonsaday dal aynu deris nahay?
Isagoo ka hadlayey qiimeynta Waraysiga ayuu yiri: “Waxaa iiga soo baxay in Madaxweynaha iyo wiil aan adeerkiis ahay oo Facebook ka difaaca ay isku garasho siyaasadeed yihiin, sababtoo ah fadhi ku dirirkii uu wiilku Facebook la fadhiyey ayuu Madaxweynihii fagaaraha la yimid..” wuxuuna sii raaciyey inay is-difaacayaan haddii garashooda lagu xadgudbo.