Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»C/raxman C/shakur: “Ma ahi Caami dhega-wayn oo wadaad Kitaab gaablow ah bursan karo” [Jawaabta xadiiskii lagu eedeeyay inuu..]

    C/raxman C/shakur: “Ma ahi Caami dhega-wayn oo wadaad Kitaab gaablow ah bursan karo” [Jawaabta xadiiskii lagu eedeeyay inuu..]

    December 4, 2019Updated:December 4, 20194 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Siyaasiga C/raxman C/shakuur Warsame ayaa si la yaab leh isaga difaacay eedeyn loo jeediyey inuu ku gefay xadiis ka sugan Rasuulka suban NNKH, isagoo dood adag kala hor yimid culimo uu ka mid yahay Sheekh C/qaadir Soomow oo ka dalbaday inuu towbad keeno.

    Siyaasiga ayaa ku dooday inuusan xadiiska lagu eedeeyay si gaara u tilmaamin, basle uu difaacay dumarka iyo qiimahooda, uuna yahay nin aqoon u leh diinta oo culimo badan wax kasoo akhristay, wuxuuna isku difaacay si falsadeysan, inkastoo ereyada uu sheegay inay wadaadada u adeegsadaan liiditaanka haweenka ay ka mid yihiin xadiiska lagu heysto ee uu ka gaabsaday inuu xuso.

    HOOS KA AKHRISO JAWAABTA C/RAXMAAN C/SHAKUUR

    Waxaan baraha bulshada ku arkay fal celin laga sameeyey khudbad aan kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jarmalka ku nool, gaar ahaan qayb aan ku daafacayey kaalinta haweenka ee dhanka siyaasadda iyo bulshada. Falcelinta waxay u badnayd mid togan, waxaase jirta qayb si taban looga falceliyey.

    Aniga waxaan sheegay in culimada qaarkood ay dumarka si bareer ah duudsiyaan xuquuqdooda iyo kaalintooda siyaasadeed, iyagoo sheega in “caqligooda iyo diintooda” ay yihiin kuwa dhiman oo naaqus ah; waxaan kale oo sheegay in xaqiraaddaa loo adeegsado axaaddiis been-abuurad ah oo faalso ah oo ay culimadaa jeebka kala soo baxaan.

    Anigu marna ma aanan soo qaadan xaddiis goonni ah oo aan leeyahay xaddiis hebel waa been oo sanadkiisa السند (taxanaha warinta) ayaa daciif ah ama mawduuc ah ama matnigiisa المتن (erayada xadiiska), mana inkirsani saxiixnimada Xadiiska ay culimo badani ka hadleen, laakiin waxaa jirta axaaddiis badan oo saxiix ah xagga silsiladda tabinta laakiin u baahan in la macneeyo, lana waafajiyo quraanku iyo Axaadiista kale ee Nabiga (NNKKH), maqaasidda iyo ruuxda shareecada.

    Sida aan soo xigtay qisadii Balqiis iyo aayado badan oo quraanka ahba iyo axaadiis badanba waxay muujinayaan in dumarku ay la mid yihiin ragga, waajibka diinta, ajarka iyo xasanaadka, farista wanaaga iyo reebista xumaanta u siman yihiin, ayna jiraan haween magac iyo maamuus weyn ku dhex lahaa, yeelana doona bulshada islaamka.

    Ujeedka khudbadaydu waxa ay ahayd in aan dumarka la liidin, lana xaqirin, iyadoo la adeegsanayo dhaqan duug ah iyo faham khaldan ee dhinaca Diinta ah.

    Waxaa u baahan in loo hiilliyo waa dumarka walaalaheen ah ee islaamnimadu iyo Soomaalinimadu naga dhexeyso, ee ma aha in gaar laga hayo dhaqan gurracan ama fasiraad khaldan oo diinteena xaniifka ah laga bixiyo.

    Duullaan kuma ihi Axaadiista Nabigeena Suuban (NNKH), mana jirto cid aan olole siyaasadeed uga rabo, ama aan is leeyahay ku raali geli, balse waxaan jeclahay daafaca iyo muujinta quruxda, naxariista, turista, dulqaadka, samafalka, daryeelka, wada noolaashaha, ixsaanka iyo taasamuxa Islaamka.

    Ma filayo in uu jiro Sheekh Soomaaliyeed oo Diinta baac ku leh oo aan kitaab ka raacan, Suufi, Salafi, Ikhwaan iyo Salafiya Islaaxiyah intaba. Kitaab raacasho, daraaso jaamacad, daalacasho iyo cilmi baaris Diinta ah ku dhowaad 25 sano ayaan ku jiray, sidaas oo ay tahayna waxaan qirsanahay in aan khaldami karo, ama hadalkayga khalad laga fahmi karo, laakiin ma ahi caami dhega wayn uu wadaad kitaab gaablow ah bursan karo.

    Ma khaldame waa Ilaaheey, isaga ayaana danbi dhaaf waydiisanaynaa wixii aan ku gefo.

    Ma jiro Xadiis aan inkiray ama beeniyey, waana mahadsan yihiin culimada talooyinka iyo naseexada soo jeediyey, waxaan se marna aqbali doonin in dumarku caqligoodu iyo diintoodu nuqsaan tahay, waxaana filayaa in culimaduna ay taas igu raacsan yihiin, waxaana ka rajaynayaa in ay arrinkaas caddeeyaan.

    Laakiin waxaa mudan in la xuso rag magaca culimada ku qaraabta oo ku raad jooga dagaal siyaasadeed oo ay wakiil uga yihiin kooxda Villa Somalia, laguna biilo canshuurta shacabka laga qaado, iyo kuwa kale oo weli ku dhegan faham khaldan ee dumarka magac diineed xaqooda lagu duudsiinayo.

    Wixii aan asiibay Alle xaggiisa ayey ka ahaatay, wixii aan khaldayna naftayda iyo shaydhaan ayaa iska leh.

    Haweenkeena Allaha guuleeyo, garaad iyo diin midna lama dheera.

    W/Q: C/raxmaan C/shakuur

    C/raxmaan C.shakuur Sheekh Soomow Top Xadiis
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: Mooshinka Maxkamadeynta iyo xika ka qaadista Madaxweye Trump iyo Qodobadda lagu soo eedeeyay
    Next Article Guddoomiyihii Degmada Awdheegle oo lagu dilay Qarax loo dhigay Gaarigiisa & Wararkii ugu danbeeyay…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo