Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa shir jaraa’id oo degdeg ah qabtay ayaa ka digay colaad saansaanteeda ka muuqato gobolka Galgaduud.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in rasaas ay ka dhacday degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, kadib markii ciidamo fara badan oo uu wato wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ay la wareegeen, isagoo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ku mashquulsan tahay dagaal ay ka rido degaanada Ahlu suna xilli looga fadhiyey inay u gurmato magaalada Beledweyne.
Wuxuu uga digay taliyeyaasha ciidamada guutada 15-aad ee qeybta 21-aad, ciidamada Danab, kuwa Gorgor iyo ciidamada Harmacad inay ka waantoobaan in dagaal la geliyo, ayna ku lug yeesheen colaad keeni karta in maxkamado caalami ah laga dacweeyo.
Dowladda Somaaliya ayuu ugu baaqay inay ka waantowdo colaad, isagoo khiyaano ku tilmaamay heshiiska ay qiratay dowladda Soomaaliya inay la gashay Ahlu suna si ay 35 xildhibaan laga siiyo Baarlamaanka Galmudug.