Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dowladda Turkiga ugu baaqay inay dib uga fiirsato ciidamada ay u tababarreyso dowladda Soomaaliya.
Qoraal uu ku xusay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayuu ku sheegay in ciidamada Harmacad ee Booliska sida gaarka u tababarran iyo Gorgor oo ah kumaandooska Milateriga Soomaaliya ay yihiin ciidamo ay tababarreen oo ay dhaqaalahooda bixiiyaan Turkiga, kuwaasoo loo adeegsaday arrimo siyaasadeed oo abuuray iska hor imaad iyo dagaal, sidaas darteedna uu ugu baaqayo dowladda Turkiga inay dib uga fiirsato.
“Harmacad iyo gorgor waa ciidamo ay tababareen oo ay kharashkoodana bixiso dowladda Turkiga. Waxaa loo adeegsadaa arrimo siyaasadeed oo dhaliyey colaad gudaha ah. Waxay qeyb ka ahaayeen dagaalladii Dhuusamareeb, Baydhaba iyo Gedo. Waxaan ugu baaqeynaa Turkiga inuu dib uga fiirsado taageerada uu siiyo ciidamadaasi..” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur.
Siyaasiga oo ka mida mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dagaal culus ka waday baraha bulshada, isagoo ka horjeeda tallaabooyinka ay qaaday dowladda Soomaaliya, wuxuuna baraha bulshada kala kulmay fal celin adag oo dadka Soomaaliyeed intooda badan uga hor yimaadeen fekradihiisa.