Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa difaacay in shacabka Muqdisho dareenkooda ku cabiraan bannaanbax nabadeed, isagoo sheegay inay xaq dastuuri ah.
Wuxuu sheegay in maalmihan warbaahinta looga hadalsiiyey dad la soo abaabulay oo magac culimo, siyaasi iyo odayaal ku hadlaya, kuwaasoo aan marna ka damqan wiilashii xoogsatada ahaa ee xaqdarida lagu dilay, shacabkii rasaasta lagu laayey markii ay ka mudaaharaadeen, dilkii xaqdarida ahaa iyo ku dhowaad afartameeyadii wiil ee xabsiga la dhigay, iyagoo waxba galabsan.
“Damiir xumi ka wayn ma jirto in dhibka dhibnaha laga aamuso, dulmiga dhib gaystahana la difaaco. Waa xaq Dastuuri ah in ay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Muqdisho ay dareenkooda isku soo bax nabadeed ku cabiraan, mana jirto cid ay kaga haybadaysanayaan magac Diin, Siyaasad, Dhaqan midkii ay doonaan ha soo sitaan…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo ka mida siyaasiyiinta ku kacsan dowladda.