C/raxmaan Ibbi oo kashifay inuu Farmaajo Khiyaanay iyo Wasiiro saaxiibo lahaa oo sidaas loo galay
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada hareeyay muuqaal wareysi ah oo uu bixiyey Xildhibaan C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ka mid ahaa saaxiibada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Ibbi oo kursigii xildhibaan laga qaatay, isagoo rajo ka qaba ayaa kashifay khiyaano iyo ballan-darro uu ku tilmaamay dhabar jebin oo Farmaajo kula kacay saaxiibadii uu ka mid yahay, isagoo been u sheegay.
C/raxmaan Ibbi ayaa qirtay inuu ahaa halgamaa weyn oo ka tirsan kooxda Farmaajo ee Nabad iyo Nolol, wuxuuna caddeeyay in Farmaajo sabab u ahaa in uu waayo kursigii Xildhibaanimo, falk uu kula kacayna uu ahaa dhabar ka toogasho aamu fileyn iyo ballan looga baxay.
“Dad aan ku kalsoonaa uu Farmaajo ku jiro ayaa dhabarka iga jebiyay, Waxa qaldamahay waa dhabar ka toogasho iyo khiyaano dadka intooda badan dhowr jeer iiga digeen, balse ugu dambeyn aan arkay, mana filaneyn meesha ay iga gaarsiisneed iyohalka ay ku dhammaatay” ayuu yiri Prof Ibbi.
Waxa ku dooday in arrintan ay kheyr u ahayd in laga reebo Baarlamaaka 11-aad, maadama taageerada Farmaajo ka gaaray heer aad u xun, isagoo ku tilmaami jiray Aabe, kuna sigtay inuu ku salliyo, sida uu yiri, sidaasina Alle u badbaadiyay.
“Markii hore Farmaajo waxaan dhihi jiray aabbe, balse waxaan ku sigtay inaan dhaho Allaahumma salli calaa Farmaajo. Marka khayr ayay ii ahayd in aan xilkaan waayo sababtoo ah haddii la i dooran lahaa waxaan noqon lahaa katarabiil Farmaajo adeegsado oo uu dadka ku burburiyo”. Ayuu ugu danbeyn qirtay C/raxmaa Ibbi.
Mar uu ka hadlay sida kursiga xildhibaan loo dhaafiyey ayuu yiri: “in 7 saac habeennimo la i yiraahdo: Ergadaada geyso Baydhabo oo haddana 10 saac Galabnimo telefoon la iga soo daba tiro oo la dhaho isaga ma aha yaah..! waxay ka dhigan tahay sii, haddana ha siin” ayuu yiri Ibbi oo murugo hareysay.
Wuxuu kashigay xubno kale oo ay ku jiraam wasiiro oo kuraastoodii markii uu Farmaajo u ballanqaaday haddana dhabarjebin ku sameeyay sida wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xasan Sheekh Maxamuud Cali (Amar-danbe) iyo Wasiirka Ganacsga C/wahaab Ugaas Xuseen.
