Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka C/weli Ibraahim Muudey ayaa shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaradaha magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in loo diiday inuu u safro magaalada Baraawe.
“”Anigoo ah C/weli Ibrahim Sh. Ibraahim Muudey waxaan maanta u socday Baraawe, si aan ugu tartamo kursiga yaalla Baraawe. Waxaa dhacday maanta in Garoonka Adan Cadde la igu celiyo, oo la ii diido inaan meesha ka raaco diyaaradii u socotay Baraawe Aniga iyo istaafkeyga oon u socday Baraawe, diyaaradiina lagu amray inay aniga i qaadi karin..” ayuu yiri C/weli Muudey.
Wuxuu sheegay Diyaaradda loo sheegay haddii ay amar la’aan soo qaado C/weli Muudey in lasoo ridyo, amarkaasina uu siiyay maamulka Koonfur Galbeed, taasina ay tahay arrin la yaab leh oo aan dunida ka dhicin.
“Qoladii shirkadda Diyaaradda waxay ii sheegeen in maamulka Koonfura Glabeed amar uu soo siiyey, kuna yiri: Haddii aad soo qaadaan amar la’aan diyaraadda waan soo rideynaa, waa arrin la yaab leh oo aan adduunka ka jirin. Sababta loo diiday inaan baraawe u tago waa inaan u tartamin kursiga Beesheyda” ayuu yiri C/weli Muudey.
Wuxuu caddeeyay inuu beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed la wadagayo tacadiga loo geystay oo uu sheegay in aanu ka harin doonin, isla markaasina aanu ahayn qof loo hanjabi karo, la handadi karo, lana guulguuli karo.
